Arsenal Oo Dalab 3-aad KA Gudbisay Saxiixa Moisés Caicedo

Kooxda Arsenal Ayaa dalab cusub ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Moisés Caicedo sida ay sheegayaan wararka haatan soo baxaya.

Sida laga soo xigtay saxafiga Jacque Talbot, Arsenal ayaa dalabkii 3-aad oo ah mid rikoodh ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Moisés Caicedo si ay u hesho saxiixiisa.

- Advertisement -

Isla saxafiga ayaa sheegaya in heshiisku haatan yahay mid lagu heshiiyay isla markaas xiddiga Moisés Caicedo noqon doono xiddig Arsenal ah ka hor inta uuna xidhmin suuqa January.

Arsenal ayaa si aad ah u doonaysa xiddiga Moisés Caicedo halka uu xiddiga reer Ecuador dhinaciisa warqada bixitaanka gudbiyay si uu ugu qasbo ku biirista Arsenal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept