Darwin Nunez Oo La Bar-Bar Dhigay Halyeey Liverpool Ah, Gool Ma Gafe Ayuu Ahaa.
Tababarihii hore ee Liverpool Rafa Benitez ayaa Darwin Nunez barbar dhigay xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Fernando Torres.
Nunez, oo 23 jir ah, ayaa shabaqa soo taabtay isagoo ka caawiyay Liverpool inay 2-0 kaga badiyaan Newcastle United kulan ka dhacay garoonka St James Park.
- Advertisement -
Natiijadaas ayaa Liverpool ka caawisay in ay kaliya 6 dhibcood u jirsato booska 4-aad ee loogu soo boxo champions League
“Waan kuu sheegi doonaa dareenkayga,” Benitez ayaa u sheegay Sky Sports.
“Waxa aan daawanayay ciyaarta, Nunez waxa uu leeyahay orod badan laakiin ma lahan dhamaystir fiican, arintaas kama wal-walayo”.
“Ka Tababare ahaan waad ka wal-walaysaa sababta oo ah mar walba waxa uu hor tagayaa goolka hortiisa”.
“Wuxuu leeyahay orod uu ku hor tago goolka hortiisa, waana halis, wakhti dhaw waxa uu dhalin doonaa goolal bada, marka aan daawaday waxa uu i xasuusiyay Fernando Torres”.