DAAWO MUCJISADII DHACDAY ARSENAL oo gebi ahaanba laga reebay koobka Europe League ga & Mucjisadii ku dhacday caawa
Ciyaar xiiso badneyd oo katirsaneyd wareega 16ka bug baxda tartanka khamiista lacaraayo ee Europe league ga ayaa waxey dhex martay kooxaha kubada cagta Asenal & Sporting lisbon oo ka kala dhisan wadamada Portugal & England.
Kulankan waxa xiisaha gaarka u yeelay lugtii hore oo dhacday Magaalada Lisbon ee wadanka Portugal oo kusoo idlaatay 2-2, waana waxa keenay in malaayiin ruux ay ugu daba feylaan shaashada gadaashooda.
- Advertisement -
ciyaarta ayaa ku bilaabay dar dar xoogan , bilowgii lisbon ayaa isku dayday arsenal iney lama filana la timaado waxey isku dayeen iney cadaadiyaan , waxey sameeyeen fursad & laba lkn Arsenal aya si xoogan usoo gashay kulanka waxaana wiilasha ay arteta ay la yimaadeen weeraro xoogan oo ay ugu fataheen sida daadkii oo kale,
Daqiiqado markii ay socotay ciyaarta waxa arsenal ka dhaawacmay wiilka lagu magacaabo Tomiyaso wiilka reer japan iyadoona garoonka laga saaray badalkisiana wxa la keenay dheymanka Ben white, Arsenal ayaa heshay fursado halis ah oo ay ciyaarta ku furi kareen isla markaana natiijada maslaxadooda uga dhigi kareen lkn lagama faa’iideysan fursad ilaa laga soo gaaro baas saaxir ah oo uu ku jibiyey difaacyada kooxda lisbon Mrs Baas Jorginho waxey kubadu gaartay martinel oo kubadu lagalay goolka kooxda reer portugal waxa uu ku tuuray shuut xoogan lkn waa laga bad baadiyey si kubadu ay ugu tagto Xhaka kaasoo shuut saaruuq ookale ah ku dhex dhigay shabaqa sidaas ayey qeybtii hore lagu kala tagay 1-0 oo arsenal hogaanka kuheysay
Qeybtii dambe waxa siweyn sare ugu kacay xiisaha & xamaasada ciyaarta iyadoo labada kooxood ay weerar & weearar celis ay ahaayeen mar qura ayaa laga wada istaagay garoonka emarates kadib markii arsenal laga dhaliyey gool kamid ah kuwa ugu quruxda badan koobka kubad bartamaha garoonka uukasoo tuurtay P. Goncalves daqiiqadii 62aad si toos ayey shabaqa ugashay kadib markii goolhaye Ramsdale uu banaanka usoo baxay sidaas ayey 1-1 kunoqotay ciyaarta sidaas ayaana lagu kala tagay 90 kii daqiiqo ee ciyaarta.
Sidada caadada marka ay ciyaari leysku mariyo labada lug maadama 3-3 wadarta noqotay waxaa la aaday waqti dheeri ah waxbana iskama badalin si loo aado gool ku laadyo ama rigooro rigoorom Arsenal ayaa lagu reebtay gool ku laadyo 3 – 5, sidaas ayeyna Sporting :Lisbon ugu gudbeysa Tartanka Europe League ga wareegiisa 8da halka arsenal uukaliya usoo haray horyaalka Ingiriiska.
Related