Cody Gakpo Oo Ka Hadlay Booskiisa Ugu Fiican Kadib Markii Uu Dhaliyay Goolkiisii Ugu Horeeyay Ee Liverpool.
Cody Gakpo ayaa qirtay inuu ka ciyaarayo booska garabka ee Liverpool markii uu dhaliyay goolkiisii uu horeeyay ee Liverpool kulankii Merseyside derby.
Liverpool ayaa 2/0 ku garaacday kooxda Everton iyaga oo gaadhay guushoodii ugu horaysay ee horyaalka premier League.
- Advertisement -
Kulanka ayaa ahaa mid ay kooxda Klopp aad ugu baahnayn waxana u gacan galiyay xiddiga Gakpo kaas oo ku dhibaatoonayay kooxda.
Xiddiga Cody Gakpo ayaa u muuqday mid ku soo laabtay qaab ciyaareedkii fiicnaa isaga oo gool u badalay baas uu ka helay xiddiga Trent Alexander-Arnold.
“Waxay ahayd mid cajiib ah, wakhti fiican kooxda iyo waliba wakhti aad u fiican aniga sidaas darteed aad ayaan ugu faraxsanahay taas,” 23-jirka ayaa u sheegay Match of the Day.
“Riyadu waa in aad mar walba dhaliso kulanka ugu horeeya laakiin waan sugay ugu dambayna waandhaliyay”.
“Sida iska cad waxa aan ka ciyaaray kulamadii ugu dambeeyay weerarka toos ah mana ahan mid aan horay uga ciyaaray maadama aan ka soo ciyaaray inta badan garabka weerarka. laaakiin waxa aan diyaar u ahay in aan kooxda ka caawinayo”.