Ciyaar Maskaxeed Mise Dhab: Xavi Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Horyaalka La Liga.
Tababaraha kooxda Barcelona Xavi Hernandez ayaa diiday inuu kooxdiisa u magacaabo kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan inkasta oo ay 5 dhibcood ku hogaaminayso horyaalka.
Barcelona ayaa sidii ugu fiicnayd ku soo gabagabaysay lugtii hore ee horyaalka La Liga, waxayna kooxdu soo gaadhay 16 guul, waxayna barbaro gashay laba kulan oo kaliya, waxayna guuldaro la kulantay kaliya hal kulan.
- Advertisement -
Xavi ayaa aaminsan in kooxda Real Madrid ay weli tahay musharaxa ugu weyn ee ku guuleysan kara horyaalka, xitaa haddii ay kooxdiisa ka dambeeyaan 5 dhibcood.
Xavi ayaa sheegay in ayna kooxdiisu ka mid ahayn kooxaha u sharax ku guulaysiga laakiin ayna ahayn kooxda ugu cad-cad.
Tababaraha da’da yar ee reer Catalan ayaa shirkiisa jaraa’id ee uu maanta qabtay ku yiri “ma dareemayo inaan nahay musharixiinta ugu weyn, waxaan ka mid nahay musharrixiinta hanashada horyaalka. Waxaan la tartamaynaa kooxda hadda heysata La Liga iyo Champions League.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa aanu u dagaalami doonaa horyaalka ilaa kulanka ugu dambeeya, Waxa aan Real Madrid u aragnaa kooxda ugu cad-cad xitaa hadii ay 5 dhibcood naga dambayso”.