Chelsea Mise Man United? Marcel Sabitzer Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo Saacadaha Soo Socda.
Xiddiga Bayern Munich Marcel Sabitzer ayaa doorbidaya inuu u dhaqaaqo Manchester United isaga oo iska diiday kooxda chelsea.
Iyada oo uu Jorginho ku biirayo Arsenal isla markaas ay u badantahay in ayna ku guulaysan doonin saxiixa Enzo Fernandez, chelsea ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga kooxda Bayern Munich.
- Advertisement -
Man United ayaa sidoo kale ku soo biirtay tartanka iyaga oo wadahadalo kula jira Bayern kadib dhaawacii soo gaadhay xiddiga Christian Eriksen.
Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Xiddiga Sabizter Ayaa iska diiday kooxda Chelsea isaga oo haatanba ogolaaday in uu ku biiro kooxda Man United.
Red Devils ayaa haatan tartan kula jirta wakhtiga si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe kana dhigto saxiixeedii 3-aad ee suuqa January.