Cesar Azpilicueta Oo Digniin U Diray Kooxaha Champions League Ku Jira.

Kabtanka Cesar Azpilicueta ayaa wax laga weydiiyay kooxda uu doonayso in ay chelsea ku aado wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Chelsea ayaa sugaysa isku aadka oo saacadaha soo socda la samayn doono kadib markii ay iska xaadiriyeen wareegan kadib guushii Dortmund.

- Advertisement -

Azpi ayaa si fiican uga jawaabay su’aasha oo yidhi:” Koox kasta oo nagu soo aada waan la ciyaaraynaa”.

“Waxa aan qabaa in ay kooxaha kale naga cabsadaan halka aan anagu ka wal-wali lahayn”.

Chelea ayaa dib u heshay qaab ciyaareedkoodii fiicnaa kulamadii ugu dambeeyay iyaga oo guulo gaadhay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee tartamada oo dhan.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept