Carlo Ancelotti Oo Shaaca Ka Qaaday Sababtii Uu Aseniso U Laagtay Rikoodhadii Uu Khasaariyay Guuldaradii Mallorca

Real Madrid ayaa heshay fursad cad oo ay hal dhibic ku badbaadin kartay kulankii Mallorca laakiin Marco Asensio ayaa qaybtii danbe ee ciyaarta ka khasaariyay fursad uu gool ku dhalin karay kadib markii uu khasaariyay rikoodhe loo dhigay

“Aniga ayaa doortay, Karim Benzema waa goolhayaha koowaad, ka dib Luka Modric [oo kursiga keydka ku jiray], Toni Kroos sidoo kale ma joogin, aniga ayaa go’aaminaya cida rigooreyaasha tuureysa” ayuu yiri tababaraha.

- Advertisement -

“Labada qof ee ay ahayd in aan kala doorto ayaa kala Ahaa Asensio Iyo Rodrygo, axaan doortay Asensio sababtoo ah waxaan u maleeyay in rigooradii uu qasaariyay Rodrygo koobkii aduunka ay saameyn ku yeelan karto maskaxdiisa”.

Waxa xusid mudan in Rodrygo ka mid ahaa xiddigaha reer Brazil ee khasaariyay rikoodhadii uu xulka Brazil kaga hadhay koobkii adduunka ka dhacay Qatar.

Asensio ayaa dhinaciisa ilaa haatan xirfadiisa ciyaareed horay u laagtay hal rikoodhe waxana uu dhaliyay kulan Copa del Rey-ga ahaa oo ay Real la ciyaartay Fuenlabrada sanadkii 2017.

Rodrygo ayaa dhinaca kale dhaliyay 3 rikoodhe xlli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay rikoodhayaashii uu helay xilli ciyaareedkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept