Barcelona Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaadhay Real Betis.

Kooxda Barcelona ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Real Betis kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga oo baaqi u ahaa labada kooxood.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxoodba si fiican u ciyaareen isla markaas doonayeen 3-da dhibcood.

- Advertisement -

Kooxda Barcelona ayaa maamulaysay ciyaarta xilli ay Real Betis ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah qaadaysay.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah iyada oo labada kooxoodba si fiican u difaacdeen goolkooda.

Kooxda Barcelona ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybta dambe ee ciyaarta iyaga oo doonayay in ay hogaanka u qabtaan ciyaarta.

Barcelona ayaa cadaadis waali ah saartay Betis kuwaas oo ay ka go’nayd in ay dhaliyaan goolka 1-aad.

Daqiiqadii 65-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Raphinha kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso ciyaarta.

Kooxda Barcelona ayaa daqiiqadii 80-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Robert Lewandowski kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Kooxda Real Betis ayaa daqiiqadii 85-aad heshay gool waxana si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Jules Kounde kaas oo Rajo kooxda Betis ciyaartana ka dhigay 2/1.

Betis ayaa dar-dar waali ah la timid kadib goolka ay dhaliyeen waxana ay doonayeen in ay dhaliyaan goolka bar-baraha laakiin Barcelona ayaa si fiican u difaacatay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona gaadhay guul dirqi ah isla markaas sii xoojisatay hogaanka horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept