Arteta: Taageerayaasha Premier League Waxa Ay Doonayaan In Ay Arsenal Ku Guulaysato Premier League Xilli Ciyaareedkan Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah.

Mikel Arteta ayaa sheegay in inta badan taageerayaasha Premier League Ay doonayaan in ay Arsenal horyaalka ku garaacdo Man City.

City ayaa ku soo laabatay hogaanka horyaalka iyagoo ku hogaaminaya farqiga goolasha ka dib markii ay 3-1 kaga badiyeen Arsenal Emirates Stadium habeenkii Arbacada.

- Advertisement -

Tababaraha Gunners ayaa dareensan in dadku ay arkeen ‘sida ay Arsenal wax u sameyso’ iyagoo doonaya inay dib u soo ceshadaan kaalinta koowaad.

Markii la weydiiyay inuu aaminsan yahay in taageerayaal badan oo xafiiltama ay haatan doonayaan inay Arsenal ku guuleysato horyaalka ayuu Arteta yidhi”Taas waan kugu raacsanahay”.

“Sababtoo ah waxa ay arkaan, dadku aad ayay noola dhacsanyihiin sababta oo ah sida aan wax u samayno”.

‘Uma maleynayo inaan waligeen ahayn kuwa ugu cadcad, uma maleynayo inay taasi isbedeshay. Man City ayaa tan iyo maalintii ugu horaysay ahayd kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka sabab la xidhiidha halka ay joogeen 5-tii sano ee la soo dhaafay”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept