Arsenal Oo Ka Fal Celisay Codsiga Moises Caicedo Ee Bixitaanka Brighton.
Arsenal ayaa ku adkeysaneysa inaysan xiriir la sameyn ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brighton Moises Caicedo.
Arsenal ayaa si cad u sheegtay inaysan wax lug ah ku lahayn qoraalada baraha bulshada ee Caicedo Jimcihii, sida ay sheegtay Football.london.
- Advertisement -
Caicedo ayaa ka mid ah xiddigaha sida weyn looga raadinayo suuqa premier League iyada oo kooxo badan doonayaan saxiixa xiddiga reer Ecuador.
Xiddiga khadka dhexe ayaa warqada bixitaanka gudbiyay kadib markii ay Brighton diiday dalabyadii ay Arsenal iyo chelsea ka gudbiyen saxiixiisa.
Kooxda Arsenal ayaa haatan iska fogaysay in ayna wax xidhiidh ah la samayn xiddiga si ay ugu qanciso in uu kooxda ku qasbo in la iibiso suuqa January.
Brighton ayaa ilaa haatan ku adkaysanayasa in uuna xiddiga 21 jirka ah iib ahayn suuqa January oo ay doonayaan in ay si haystaan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.