Arsenal Oo Dhibaato Dhaawac La Kulantay Kadib Makrii Laga Reebay Europa League.

Kooxda Arsenal ayaa ka wal-walsan taam ahaanshaha xiddigaha daafaca uga ciyaara ee William Saliba iyo Takehiro Tomiyasu ka dib markii labada ciyaaryahan dhaawac uga baxeen kulankii Europa League kulan ay guuldaro kala kulmeen kooxda Sporting Lisbon.

Ka dib markii ay ku soo dhamaatay barbaro 2-2 ah lugtii hore ee Portugal isbuucii hore, Gunners ayaa u baahneyd guul garoonka Emirates Stadium si ay ugu soo baxdo wareega 8da.

- Advertisement -

Si kasta ha ahaatee Arsenal ayaa guuldaro rikoodhayaal ah kala kulantay kooxda Sporting Lisbon iyaga oo laga reebay tartanka Europa league xilli ciyaareedkan.

Markii ay ciyaartu 9 daqiiqo socotay Arsenal ayaa dhaawac jilibka ah ku wayday xiddiga Tomiyasu kaas oo lagu soo badalay xiddiga Ben White.

Sidoo kale Arsenal ayuu ka dhaawacmay xiddiga Saliba daqiiqadii 20-aad ee ciyaarta waxana lagu badalay xiddiga Rob Holding.

Saliba ayaa muhiim ka ahaa kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan halka uu xiddiga reer France yahay xiddiga daqiiqadaha ugu badan u ciyaaray Arsenal xilli ciyaareedkan.

Tomiyasu ayaa dhaawacyo ku dhibaatooday xilli ciyaareedkan waxana uu inta badan kaydka u fadhiyay xiddiga Ben White kaas oo ah dookha 1-aad ee Arteta.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept