Arsenal, Man United Mise Man City? Michael Owen Oo Saadaaliyay Horyaalka Premier League.
Michael Owen ayaa magacaabay kooxda ugu cadcad ku guulaysiga horyaalka Premier League kadib markii ay Arsenal, Manchester City iyo Manchester United gaadheen guulo kala duwan todobaadkan.
Waxa la ciyaaray todobaad kale oo cajiib ah iyada oo Arsenal guul ka gaadhay Aston Villa xilli ay Man City ayaa dhibco ku lumisay Nottingham Forest, halka Man United garaacday Liecester City.
- Advertisement -
Weeraryahankii hore ee England Owen ayaa sheegay in Man United ‘aan laga saari karin’ tartanka horyaalka laakiin waxa uu ku adkaystay in kooxda Mikel Arteta wali tahay kooxda ugu cad-cad horyaalka.
“Waa wax cajiib ah sow maaha? Waxa aad arkaysaa in Man City dhibco lumisay inkasta oo ay qaab ciyaareed fiican soo bandhigeen”.
“Arsenal ayaa ku soo laabatay wadada guulaha kadib markii ay natiijooyin xun heleen kulamadii ugu dambeeyay waxana ay haatan hogaanka u qabteen premier League”.
“Cid walba way ogtahay in ay jiri doonaan dhibco badan oo la lumin doono sidaas darteed Man United way ku jirtaa tartanka”.
“Laakiin waxa aan odhan karaa Arsenal ayaa haatan ugu cad-Cad Horyaalka”.