5 Xiddig Oo Man United Oo Ka Maqanaan Doona United Kulanka Real Betis
Tababaraha kooxda Manchester United Erik ten Hag ayaa magacaabay Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Real Betis kulanka lugta 2-aad ee wareega 16-ka Europa League.
Kooxda 20-ka jeer ku guuleysatay horyaalka Ingariiska ayaa guul weyn ka gaadhay lugtii hore waxana ay doonayaan in ay dhamaystiraan shaqada lugta 2-aad.
- Advertisement -
Xiddiga reer Brazil ee Antony ayaan tababar la qaadan kooxda sabab la xidhiidha xanuun sidaas darteed waxa laga saaray Liiska u safray Seville.
Xiddiga Alejandro Garnacho ayaa sidoo kale ka maqan kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Southampton ee horyaalka premier League Axadii.
Anthony Martial ayaa dhinaciisa horumar ka samaynaya dhaawac sinta ah laakiin xiddiga ayaa mar kale seegaya kulanka sidoo kale xiddigaha Christian Eriksen & Donny van de Beek oo dhaawac ku maqan.
Related