Brighton Oo Ka Jawaabtay Dalabka Caicedo Ee Ah In Uu Ka Tago Kooxda Suuqa January.

Kooxda Brighton ayaa ka jawaabtay dalabkii xiddiga Moises Caicedo ee ahaa in uu isaga tago kooxda suuqa January.

Xiddiga Moises Caicedo ayaa xalay warqada bixitaanka u gudbiyay maamulka Kooxda Brighton si ay ugu ogolaadaan in uu ka tago kooxda.

- Advertisement -

Dalabka Moises Caicedo ayaa imanaya kadib markii ay Arsenal dalab 60 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe si ay ugu xoojiso kooxdeeda.

Sida laga soo xigtay Simon Stone, Kooxda Brighton ayaa Caicedo u sheegtay in uuna ka tagi doonin kooxda suuqa January iyo maalmaha ka dhiman.

Sababta ay Brighton u diidantahay in ay fasaxdo xiddiga ayaa ah in ayna haysan wakhti ay kula saxiixato badalkiisa maadama ay maalmo ka dhimantahay suuqa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept