Barcelona Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaadhay Giron, Hogaanka Ayay Dheeraystay.
Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa sii dheeraysatay hoggaanka horyaalka LaLIga oo ay ku qabatay lix dhibcood, kaddib markii ay guul cidhiidhi ah kasoo gaadhay kooxda ay deriska yihiin ee Girona, kulan si adag loogu dagaallamay oo fursado badan ay iska khasaariyeen labada kooxood.
Pedri oo beddel kusoo galay ayaa noqday shimbirka saddexda dhibcood u go’aamiyey Barcelona, waxaana uu si fudud shabaqa ugu leexiyey kubbad uu Paulo Gazzaniga xajisan waayey oo ka baxsatay gacmihiisa xilli uu joojinayay darbad lagu soo toogtay.
- Advertisement -
Barcelona oo inta badan ciyaarta maamulaysay ayaa ku sigatay in daqiiqaddii saddexaad lagu dhigo rikoodhe kaddib markii weerar degdeg ahaa oo ay soo qaadday Girona uu Alonso oo difaacayay dhulka ku riday Couto, hase yeeshee garsooraha ciyaarta ayaa amray in la dheelo oo diiday doodda Girona.
Qalad weyn oo uu sameeyey Gazzaniga ayaa halis geliyey kooxda garoonkeeda joogtay ee Girona iyadoo kubbadda uu la sugay Ansu Fati oo darbad xooggan ku celiyey, hase yeeshee uu Gazzaniga saxay qaladkiisii oo uu badbaadiyey kubadda.
Barcelona ayay nasiib-darro ku dhacday qaybtii hore, waxaana ka dhaawacmay Ousmane Dembele oo ayaa ciyaartoyga ugu wanaagsan kooxda usbuucyadii ugu dambeeyey, waxaana booday muruqa xilli uu kubbad orod kagala soo gelayey garabka bidix oo uu ka dheelayay, waxaana lagu soo beddelay Pedri.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Barcelona dedaal badan samaysay, waxaanay si buuxda gacanta ugu dhigtay khadka dhexe, laakiin waxa mar walba halis ahayd Girona oo weerarro rogaal-celis degdeg ah samaynaysay.
Daqiiqaddii 61aad ayay Barcelona heshay goolka madiga ah ee saddexda dhibcood u go’aamiyey. Kubbad uu goolka ku toogtay Jordi Alba ayuu Gazzaniga kaliya kusii casuumay Pedri oo uu dhinaciisa u leexiyey, waxaanu xiddiga Spain u dhamaystiray si fudud.
Intaas wixii ka dambeeyey Girona ayaa ciyaarta la wareegtay, waxaanay weerarro is-daba joog ah ku ekeeyeen goolka Barcelona balse nasiib-darro waxay awoodi waayeen inay kubadda dhaafiyaan goolhaye Ter Stegen oo badbaadiyey shan kubbadood oo halis ahaa.
Laba darbadood oo hortiisa laga laaday ayuu Ter Stegen qabtay tobankii daqiiqadood ee ugu dambeeyey, halka waqtigii dheeraadka ahaana uu joojiyey kubbad madax ahayd oo ay jamaahiirta Girona u qaateen inay shabaqa ku jirto.
Guushan ayaa ka dhigan in Barcelona ay yeelatay 47 dhibcood, waxaanay lix dhibcood ka sarreeyaan Real Madrid oo Axadda martigelin doonta Real Sociedad.