Xukuumada Gobaladda Waqooyi oo sheegtay in Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif uu ku xad gudbay qaranimada Gobaladda Waqooyi

Khamiis, March, 16, 2023 (AX) –  Hogaamiye Ku Xigeenka Gobaladda Waqooyi Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Gobaladda Waqooyi ka baxay xayndaabkii Gobaladda Waqooyi.Hogaamiye Ku xigeenka oo waraysi siiyay warbaahinta, ayaa Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ku eedeeyay in uu ku kacay fal ka dhan ah jiritaanka Gobaladda Waqooyi kadib markii uu taageeray go’aamadii garaadada ku sugan magaalada Laascaanood.

“Waxan aaminsanahay in uu ka talaabay xadkii Gobaladda Waqooyi, eedayntu waxay taagantahay in aan isku toosino ama isku dhaliilno xayndaabkeena, ee loogu doortay in uu guddoomiyihii golaha wakiilada noqdo” ayuu yiri Saylici.

- Advertisement -

Madaxwwynu ku xigeenku waxa uu sheegay in guddoomiye Khaliif uu taageeray guddida 33-ka ah oo uu sheegay in anay cidna dooran, isla markaana uu hoos tagay calanka buluuga ah ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in laga rabay in uu isagu wax saxo ee aanu raacin.

Waxa kale oo uu ku eedeeyay in uu ciidanka been ka sheegay “Waxa uu sameeyay hadalo ku dar dar ah oo ciidanka Gobaladda Waqooyi ah, oo uu yiri ciidamadu rag bay guryo kala baxeen, iyo dad ayay gaadhiyo kala hadheen oo ay laayeen, waxan leeyahay waa eedayn looga fadhiyo caddaynteeda”.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Gobaladda Waqooyi Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo dhawaan warbaahin kula hadlay Laascaanood, ayaa sheegay in uu taageersanyahay go’aamadii ay soo saareen garaadadu, isaga oo ciidamada ku eedeeyay in ay duqayn ka gaysteen magaalada.

Abdilahi Geel-maal, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept