Xukuumada Gobaladda Waqooyi oo bixinaysa magta dadkii ku dhintay mudaharaadkii Laascaanood

Khamiis, December, 29, 2022 (AX) – Xukuumada Gobaladda Waqooyi ayaa sheegtay in ay bixinayso magta dadkii ku dhintay mudaharaadkii Laascaanood ee 27 December.Wasiirka Warfaafinta Gobaladda Waqooyi Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in ay la kulmeen ehelada dadkii ku dhintay mudaharaadka, isla markaana ay xukuumadu bixinayso magta iyo xabaala qodka dadka dhintay.

“Waxa aanu kulan la qaadanay ehelada dadkii ku dhintey mudaharaadkii Laas-canood, waxaanu dawlad ahaan ehelada siinay aaskii AHU marxuumiintii ku dhintey mudaharaaddka, sido kale waxa ay dowladdu Gobaladda Waqooyi balan qaadey in ay bixinayso magta AHU dadkii dhintey” ayuu yiri Wasiir Koore.

- Advertisement -

Isku dhac dhexmaray ciidanka booliiska iyo dibadbaxayaal ka cadhacaysan dilalka ka socda Laascaanood, ayaa sababay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca 9 qof oo kale.

Xukuumada Gobaladda Waqooyi ayaa xal u la dilalka sida joogtada ah uga dhacaya gobolka, iyadoo shacabka gobolku ay dalbanayaan xukuumadu sugto amaankooda.

Abdilahi Geel-maal, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy