Xukuumada Gobaladda Waqooyi oo baaq u dirtay shacabka Laascaanood

Sabti, December, 31, 2022 (AX) – Wasiirka Warfaafinta Gobaladda Waqooyi Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa shacabka Laascaanood ugu baaqay in ay is dajiyaan, isla markaana wakhti la siiyo wada-hadalka.Wasiirka ayaa baaq nabadadeed u diray shacabka, isaga oo ugu baaqay in nabada laga shaqeeyo, isla markaana la wada hadlo inta anay dhibaatadu sii balaadhan.

“Waxaan ummadda reer Sool gaar ahaan degmada Laascanood ka codsanayaa anoo af-kii xukuumada ku hadlaya inaan dhamaanteen is dajino, oo aynu wakhti siino in lawada hadlo oo nabada laga shaqeeyo, dhibaatadu hadba meesha ay taagan tahay ayay ugu yartahay” ayuu yiri Wasiir Koore.

- Advertisement -

Dhinaca kale, mudaharaadada ayaa saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood, dhalinyaro gadoodsan ayaa dhagaxaan ku tuuraya wadooyinka, sidookale waxaa la maqlayaa rasaas ay ridayaan ciidamada booliisku.

Magaalada ayaa qalalaase ku jirtay afartii maalmood ee lasoo dhaafay,  madax dhaqameedka Gobaladda Waqooyi ayaana dhankooda saaka baaq nabadeed u diray shacabka Laascaanood, iyaga oo sheegay in ay diyaar u yihiin xalinta khilaafka taagan.

Abdilahi Geel-maal, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept