Xukumadda Soomaaliya oo mamnuucday in Alshabaab loogu yeero magac aan ahayn Khawaarij
Isniin, November, 7, 2022 (AX) – Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda Soomaaliya ayaa awaamiir cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in aan Al-Shabaab loogu yeerin magaca aan aheyn Khawaarij.Awaamiirta kasoo baxday wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa lagu mamnuucay faafinta ‘fikirka kooxda Al-Shabaab ee ku saleysan riddada, dilka iyo is-miidaaminta.
Wasaaradda waxay kaloo mamnuucday in culimada Soomaaliyeed ay la macaamilaan Al-Shabaab, waajibaadna uu ka saaran yahay taageeridda gulufka ka dhan ah Alshabaab.
- Advertisement -
Go’aannadan ayaa qeyb ka ah fatwo lagu taageerayo ciribtirka Alshabaab oo kasoo baxay shirkii wasaaradaha arrimaha awqaafta dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.