Xukumadda Soomaaliya oo ka hadashay dagaal saakay ka dhacay magaalada Baydhabo

Jimco, December, 23, 2022 (AX) – Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay shaqaaqooyin gacan ka hadal ah oo saakay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.Xukumadda Soomaaliya ayaa waxay ku boorisay dhammaan qeybaha siyaasadda inay miiska wadahadalka ku xalliyaan kala aragti duwanaanshahooda, isla markaana ay ka fogaadaan in dhiig la daadiyo.

Hadalka dowladda ayaa kusoo aaday, kadib markii saakay dagaal uu magaalada Baydhabo ku dhexmaray ciidamada Koonfur Galbeed iyo ciidamo taabacsan  mucaaradka doonaya inay talada kala wareegaan madaxweyne Lafta Gareen.

- Advertisement -

Siyaasiyiinta mucaarad Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyay madaxweyne Lafta Gareen inuu amray in la weeraro guryaha musharraxiinta ee Baydhabo kuyaalla, iyagoo sheegay in awal horena loo diiday inay tagaan Baydhabo.

Dhinaca kale, masuuliyiin u hadlay maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyay ciidamo ka amar qaata siyaasiyiinta mucaaradka inay jidgooyo u dhigteen ciidamo waday Roondo, kaddibna uu dagaalku sidaas ku billowday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy