Xukumadda Soomaaliya oo digniin xooggan u dirtay shirkad howlo shidaal baariseed kawadda Gobaladda Waqooyi

Arbaco, December, 28, 2022 (AX) – Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee dowladda  Soomaaliya, ayaa ku eedeysay shirkadda shidaal baarista ee Genel Energy ee laga leeyahay UK, inay howlo sharci darro ah ka waddo Soomaaliya.Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa looga digay khatarta ka dhalan karta maalgashi iyo sahmin sharci darro ah oo la sheegay inay shirkadda ka waddo deegaannada Gobaladda Waqooyi.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si cad u diidday sheegashada Genel Energy PLC ee ah in ay leedahay xuquuqda batroolka gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, waxayna ugu baaqaysaa shirkadda Genel Energy PLC inay joojiso fulinta hawl-gal shidaal oo xadgudub ku ah madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyo midnimada,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku wargalisay maalgashadayaasha shisheeye in Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ay tahay hay’adda kaliya ee sharci ahaan u fasaxaysa sharciga iyo qawaaniinta u degsan Soomaaliya si ay u bixiso ogolaanshaha baarista iyo horumarinta kheyraadka shidaalka sida uu dhigayo sharciga Batroolka Soomaaliya.

Waxay tilmaamtay ogolaansho kasta oo lagu bixiyo wax xadgudub ku ah shuruucda iyo qawaaniinta Soomaaliya inuu yahay sharci darro, iyadoo loo aqoonsan lahaa mid aan waxba ka jirin.

Si kastaba ha ahaatee, shirkadda Genel Energy ayaa Gobaladda Waqooyi heshiis ugula jirta inay shidaalkii ugu horreeyay kasoo saartay Gobaladda Waqooyi. Sida qorshuhu yahay, sannadka 2023 ayay shirkaddu filaysaa inay soo saarto shidaalkii ugu horreeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy