Xisbiyada siyaasada Gobaladda Waqooyi oo lagu dhawaaqay in uu liisankoodi sharci dhacay

Isniin, December, 26, 2022 (AX) – Guddida Diwaangalinta Ururada Gobaladda Waqooyi, ayaa ku dhawaaqday in uu dhacay liisankii xisbinimo ee xisbiyada WADDANI, UCID iyo Kulmiye.War-saxaafadeed kasoo baxday guddida oo warbaahintu baahisay, ayaa lagu sheegay in sharciyadii xisbinimo ee saddexda xisbi ay maanta ku egtahay, imika wixii ka danbeeyana laga rabo in saddexda xisbi ay raacaan sharciyadaha xiga.

“Waxaanu halkan si rasmi ah idiinku wargalinaynaa, in mudadii dhaqangalka saddexda xisbi ee Kulmiye, UCID iyo WADDANI ay ku egtahay maanta oo ay taariikhdu tahay 26/12/2022, sida darteed waxaanu idin ogaysiinaynaa in aad fulisaan, ilaalisaana dhamaan waajibaadka ka dhalanaya dhamaadka mudada” ayaa lagu yiri war-saxaafadeeda.

- Advertisement -

Saddexda xisbi ee maanta guddidu sheegtay in uu ka dhacay liisankii sharci ee xisbinimo, ayaa kusoo baxay doorashadii ururada ee dhacday 28/12/2012, waxaana u dhamaaday 10 kii sanno ee uu sharcigu siinayay in ay kaligood ahaadaan xisbiyada siyaasada ee sharciga ah.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeeda oo faah faahsan:

20221226638076334612570788

Abdilahi Geel-maal, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy