Xisbiga Waddani oo soo dhaweeyay xabad joojinta xukuumadu ku dhawaaqday

Jimco, February, 10, 2023 (AX) – Xisbiga mucaaradka Gobaladda Waqooyi ee Waddani, oo soo dhaweeyay xabad joojinta halka dhinac ah ee xukuumada Gobaladda Waqooyi ku dhawaaqday.Guddoomiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in xisbigiisu soo dhawaynayo xabadjoojinta shuruud la’aanta ah, waxaanu ku baaqay in dhinacyadu ay wadahadal iskugu yimaadaan.

“Xisbiga Waddani wuxuu soo dhaweynayaa xabbad-joojinta ay xukuumadda Gobaladda Waqooyi ku dhawaaqday. Mar labaad, Xisbiga Waddani wuxuu ku celinayaa oo uu dirayaa baaq nabadeed iyo in wadahadal ay labada dhinac miiska isugu yimaaddaan” ayuu yiri Xirsi.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in ay ka xisbi ahaan diyaar u yihiin in ay qaybtooda ka qaataan, wadahadal iyo dadaalkasta oo la doonayo in si nabada loogu dhameeyo xiisada ka taagan magaalada Laascaanood.

Xukuumada Gobaladda Waqooyi ayaa caawa ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah, iyada oo sheegtay in ay joojinayso xabada kadib dhowr cisho oo dagaalo ka socdeen Laascaanood.

Abdilahi Geel-maal, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept