Xisbiga WADDANI oo cambaareeyay sidi ay xukuumada Gobaladda Waqooyi uga jawaabtay mudaharaadkii Laascaanood
Arbaco, December, 28, 2022 (AX) – Musharaxa Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay sidii ay xukuumada Gobaladda Waqooyi uga jawaabtay mudaharaadkii shalay ee Laascaanood.Cirro ayaa fal waxashnimo ah ku tilmaamay, sidii ciidamada booliisku u joojiyeen mudaharaadkii lagaga soo horjeeday dilalka mudooyinkii u danbeeyay ka dhacayay Laascaanood.
“Waxaan si adag u cambaareynayaa falalkii waxashnimada ahaa ee ay xukuumaddu shalay ka geysatay maagaalada Laasacaanood, wax la aqbali karo maaha in iyada oo aan wali gacan ku dhiiglayaasha haldoorka reer Sool gumaaday aan waxba laga qaban in hadana shacabka waxyeello soo gaadho” ayuu yiri Cirro.
- Advertisement -
Waxa uu xukuumadda ugu baaqay in ay si adag oo qoto dheer wax uga qabato dilalkan soo noqnoqday ee indheergaradka reer Laascaanood lagu beegsanayo, wuxuuna soo jeediyay in lasoo afjaro falalka amni darrada ah, isla markaana la sugo nabadgalyada gobolka Sool.
Cirro dhinaca kale, shacabka reer Laascaanood ayuu ugu baaqay in ay is xakameeyaan, oo ka qaybqaataan ilaalinta amniga.
“Shacabka reer Laasacaanood, waxa aan ugu baaqayaa in ay is xakameeyaan, nabadgelyada ilaalinteedana ka qeyb qaataan, isla markaana meel uga soo wada jeestaan wax kasta oo khakhal gelin kara nabadda gobolka” ayuu yiri Cirro.
Ciidamada Booliiska ayaa awood ku kala kexeeyay dadwayne shalay magaalada Laascaanood ka dhigay mudaharaad rabshado wata oo ay kaga soo horjeedaan dilalka dablay aan la aqoonsani ka gaysanayaan Laascaanood.
Abdilahi Geel-maal, Axadle