Xisbiga WADDANI: Gobaladda Waqooyi Laascaanood kama baxayso

Axad, January, 1, 2023 (AX) – Xisbiga WADDANI, ayaa xukuumada Gobaladda Waqooyi ku eedeeyay in ay ku fashilantay amniga Laascaanood, dhinaca kale waxa uu xisbigu sheegay in Ciidanka Gobaladda Waqooyi anay Laascaanood ka bixi doonin.

Xogeeyaha cadaalada ee xisbiga Yoonis Axmed Yoonis, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in maamulka gobolka Sool ku fashilmay sugida amniga shacabka Laascaanood, waxa uu cambaareeyay sida booliisku uga jawaabay mudaharaadada, isaga oo sheegay in ka xisbi ahaan anay xukuumada kula socon.

- Advertisement -

“Qorshe xumo xukuumada ah ayaa Laascaanood taala, madaxweyne kuwaad u igmaday gobolka Sool way ku fashilmeen, may ahayn dadka mudaharaadka salmiga ah sameeynayay ee cowday ee xaqa u leh in la laayo, waanu ka xunahay kulama socono xukuumada” ayuu yiri Yoonis.

Waxa uu dhinaca kale, sheegay in xisbigu xukuumada ku taageersanyahay, difaaca ciida Gobaladda Waqooyi, waxaana uu sheegay in dadka reer Laascaanood ay yihiin dad reer Gobaladda Waqooyi ah oo xukuumadooda ka doonaya in ay uga jawaabto cida dilalka gaysanaysa.

“Laakiin waxaanu kula soconaa oonu ciidamada ku taageersanahay, oonu dowlada ku taageersanahay difaaca Gobaladda Waqooyi, lakiin Gobaladda Waqooyi cidi may soo weerarin dadka yaan been loo sheegin, Laascaanood waa Gobaladda Waqooyi, Gobaladda Waqooyi ayay doonayaan oo ay leeyihiin yaa na dilay” ayuu yiri Yoonis.

Waxa uu sheegay in Gobaladda Waqooyi anay Laascaanood ka bixi doonin, cida isle Gobaladda Waqooyi way baxaysaana ay khaldantahay, dhinaca kale, madaxweynaha ayuu uga digay in uu ciidamada Laascaanood ka saaro.

“Gobaladda Waqooyi kama baxayso Laascaanood ka ku leh Gobaladda Waqooyi ayaa kasoo baxaysa Laascaanood waa nin aan habeen jirin, haduu madaxweynuhu waxa ku kaco, danbi qaran ayuu galay oo qarankii ayuu kala jaray” ayuu yiri Yoonis.

Xaalada Laascaanood ayaa maanta dagan, ciidamo millateri ah ayaa wadooyinka taagan, khadka internetka magaalada ayaana hawada laga saaray.

Abdilahi Geel-maal, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy