Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey oo Muqdisho ku geeriyooday

Sabti, Maarso, 18, 2023 (AX) – Allaha ha u naxariistee, waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey oo katirsanaa barlamaanka Soomaaliya, sida u shaaciyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.”Waxaan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey oo xalay goor dambe ku geeriyooday magaalada Muqdisho,” ayuu Sheekh Aadan Madoobe ku yiri bayaan uu soo saaray.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay in marxuum-ka uu ahaa halyeey waqti badan geliyay dowladnimadda.

- Advertisement -

Marxuumka ayaa muddo ka badan 15 sano kamid ahaa barlamaanka Soomaaliya. Wuxuu kamid ahaa xildhibaannada lasoo doortay Hirshabeelle.

Weli lama xaqiijin waxa uu u geeriyooday, inkastoo xogo aan ka helany qaar kamid ah eheladiisa ay sheegayaan inuu u geeriyooday xanuun hayay awgeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept