Xasan Sheikh: Maamulka waqooyiga Soomaaliya ka jira waxaan leenahay dadka reer Sool hala dhegaysto

Jimco, February, 17, 2023 (AX) – Hogaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in aysan raali ka noqon karin in Gobaladda Waqooyi reer Laascaanood ku colaadiso midnimada Soomaaliyeed ee ay doonayaan.Hogaamiyaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay wuxuu ugu yeeray maamulka waqooyiga Soomaaliya ka jira inay dhegaystaan dadka reer Sool.

“Midnimadaa rabnaa hadday yiraahdeen, adiguba gooni istaagaa rabnaa tiraahdeen laguugumana colaadinaayo. Midnimadaan rabaa qofna laguma colaadin karo.”ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

- Advertisement -

Hogaamiye Xasan Sheikh wuxuu sheegay Gobaladda Waqooyi in aysan Xukumadda Soomaaliya marnaba ku colaadin gooni isku taaga ay aaminsan yihiin, isagoo sheegay inay la jecel yihiin wanaag

“Walaalaha reer Gobaladda Waqooyi iyo maamulkooda waxaan leennahay, waan diidnay innagu inaan idin la dirirno. Xitaas si diblumaasiyadeed inaan idiin colaadino ma ogolin. Laakiin waxaan rabno waxay tahay midnimadaan u taagannahay, mana ka tanaasulayno,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Waa todobaadkii labaad oo xiriir ah oo uu madaxweynaha Soomaaliya ka hadlo xaaladda magaalada Laascaanood, wuxuuna madaxweynuhu walaac ka muujiyay colaadda magaalada ka jirta iyo madaafiicda shacabka lagu garaacayo.  

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept