Xaaladda magaalada Baydhabo oo maanta dagan iyo madaxweyne Lafta Gareen oo baaq u diray siyaasiyiinta mucaaradka

Sabti, December, 24, 2022 (AX) – Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa maanta dagan, kaddib markii shalay halkaasi uu ka dhacay dagaal khasaare weyn geystay oo dhex maray ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan muddo kororsiga.Hogaamiyaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo saxaafadda la hadlay, ayaa ku baaqay in nabadda laga shaqeeyo, sidoo kalena ay baarayaan sababtii ka dambeysay shaqaaqadii ka dhacday Baydhabo ee sababtay dhimashada in ka badan 10 qof.

Hogaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa ugu yeeray cid kasta oo tabasho qabta ay timaado miiska shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo horraanta bisha koowaad ee sannadka cusub ka furmayo Baydhabo.

- Advertisement -

Hogaamiye Lafta Gareen cid gaar ah dusha uguma tuurin khasaaraha dhacay, wuxuuna sheegay inay aad uga xun yihiin in ciidamo kawada tirsan kuwa qalabka sida ay dhexdooda dagaalamaan, halkii loo baahnaa inay shabaab la dagaalamaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy