Wasiir katirsanaa maamulka Galmudug oo caawa Muqdisho lagu dilay

Sabti, January, 28, 2023 (AX) – Farxiyo Cabdi Waasuge oo ahayd wasiiru dowlihii wasaaradda gaaadiidka iyo duulista hawada Galmudug ayaa caawa lagu dilay magaaalda Muqdisho.Dilkeeda ayaa ka dhacay degmada Warta Nabadda, waxaana ka dambeeyay kooxo ku hubaysnaa bislood.

Marxuumaddu waxay ka mid ahayd wasiirradii dhawaan la magacaabay. Muddo kooban ayay xafiiska joogtay.

- Advertisement -

Lama garanayo cidda dilkeeda ka dambeysa, hase ahaatee dilkeeda wuxuu kusoo aaday xilli Galmudug uu ka socdo guluf dagaal oo loogasoo horjeedo Alshabaab.

Magaalada Muqdisho ayaa horey loogu dilay nabadoono iyo ganacsato kasoo jeeda Galmudug, kuwaas oo lagu tirinayo inay Shabaab dileen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept