Wasiir Ciise Kayd: Waxaanu haynaa maxaabiis Al Shabaab ah iyo kuwo Puntland ah

Arbaco, February, 8, 2023 (AX) – Xukuumada Gobaladda Waqooyi ayaa markale sheegtay in ay hayso maxaabiis ka tirsan Al Shabaab, iyo maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.”Waxaanu hayna maxaabiis Al Shabaab ah, maxaabiis Puntland ah, waxay soo weerareen xeryaha millateriga, waxaananu u diyaar nahay in aanu usoo bandhigno beesha caalamka” Wasiirka Arrimahada Dibada Ciise Kayd Maxamuud ayaa sida BBC News u sheegay.

 “Ma jiro dagaal u dhexeeya dadka reer Laascaanood iyo ciidanka Gobaladda Waqooyi, waxa jira maleeshiyaad gacan saar la leh Al Shabaab” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Kayd.

- Advertisement -

Inkasta oo xukuumada Gobaladda Waqooyi ay ku andacoonayso in kooxo xagjir ahi ay dagaalka ka danbeeyaan, hadana maayarka, xubno kamid ah golaha deegaanka, garaado iyo siyaasiyiin reer Laascaanood ah ayaa arrintaa beeninaya.

Waxay sheegayaan in millateriga Gobaladda Waqooyi uu duqaymo u gaystay masaajido, kaalmo shidaal iyo isbitaalo, duqaymahaas oo jiritaankooda ay xukuumadu gabi ahaanba beenisay.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada Gobaladda Waqooyi iyo ciidamo beeleed taabacsan garaadada gobolka, ayaa soconaya maalintii 4aad oo xidhiidha, xukuumada ayaa sheegtay in wali ciidankeedu anay weerar qaadin oo ay is difaac ku jiraan.

Abdilahi Geel-maal, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept