Warkii ugu dambeeyey ee shirka Muqdisho ka socda

Muqdisho (Axadle) – Magaalada Muqdisho ee Axadle Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka golaha wada-tashiga qaran, kaas oo galay maalintiisii labaad, waxaana looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimo la xiriira doorashooyinka dalka.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa gudoominayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana sidoo kale goobjoog ah madax goboleedyada dalka iyo duqa Caasimadda Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in shirka ay soo wajaheen caqabado xoogan oo ku aadan sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka weli ka taagan qodobada qaar ee doorashooyinka 2021-ka.

Sida ay ogaatay Axadle caqabadaha taagan waxaa ka mid ah khilaafka weli ka dhex-jira guddiga doorashada ee Gobaladda Waqooyi, xiisadda kasoo cusboonaatay Beledweyne oo saameyn ku yeelatay doorashada HirShabelle ee Golaha Aqalka Sare iyo sida lagu heli karo dhaqaalaha dhimmaan ee lagu qabanayo doorashooyinka ka dhacaya gudaha dalka.

Sidoo kale xubnaha qaar ee shirka ayaa lagu soo warramayaa inay doonayaan in doorashada Golaha Shacabka lagu soo koobo hal magaallo iyo in la dhimmo tirada ergada, halka kuwa qaarna ay ka soo horjeedaan, taas oo la filayo in go’aan rasmi ah laga gaaro.

Gabagabada shirweynahan ayaa la filayaa in go’aanno cusub oo la xiriira doorashooyinka billowday laga soo saaro, si loo sii amba-qaado doorashooyinka socda ee baarlamaaniga.

Shirkan oo ka socda Teendhada Afisyoone ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo la guda-galay doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Si kastaba doorashooyinka ka dhacaya dalka ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana is jiid jiid dheer, kadib heshiis rasmi ah looga gaaray Caasimadda Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More