Wariyeyaal iyo saraakiil ka tirsan ciidanka ATMIS oo Maanta Tababar uga furmay magaalada Qaahira ee dalka Masar

Isniin, November, 28, 2022 (AX) – Waxaa Maanta magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar Tababar ku saabsan doorka nabada iyo xalinta shaqaaqooyinka uu uga furmay ilaa 18 wariye oo ka kala yimid Banaadir, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug, Puntland iyo Soomaaliland.Tababarkaan oo socon doono sadax maalmood waxaa sidoo kale qeyb ka ah saraakiil ka tirsan ciidanka ATMIS ee howlaha nabad ilaalinta u jooga gudaha Soomaaliya, waxaana tababarkaan fulintiisa leh, Cairo International Center for Conflict Resolution, Peacekeeping and Peacebuilding (CCCPA) oo taageero dhaqaale ka heleyso Safaaradaha dalalka Sweden iyo Japan ay ku leeyihiin dalka Masar.

Safiiradda dalalka Soomaaliya, Japan,  Sweden iyo madax kale ayaa kasoo qeyb galay furitaanka tababarkaan Maanta Magaalada Qaahira uga furmay 18 wariye iyo saraakiil ka tirsan howlgalka ATMIS.

- Advertisement -

Masuuliyiintii kala duwana ee goobta ka hadashay ayaa waxay bogaadiyeen horumarka ay sameyneyso dowladda Soomaaliya iyo shacbakeeda, iyagoona wariyaasha tababarka loo furay ugu baaqay iney kaalin weyn ka qaataan tabinta arrimaha wanaagsan ee horseedi kara nabadgalyada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy