Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya iska hor imaad Maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Sabti, February, 18, 2023 (AX) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad duhurnimadii Maanta ku dhexmaray Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.Iska hor imaadka ayaa dhexmaray ciidamo ka kala tirsan Nabadsugida Qaranka iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya, waxaana iska hor imaadka labadaan ciidan uu ka dhashay muran la xariiray maritaanka barkoontarool oo halkaasi ku leeyihiin ciidanka NISA oo celiyay ciidankii Miliratiga ahaa, taasoo ugu dambeyn keentay inuu qarxo iska hor imaadka labada ciidan.

Iska hor imaadka labada ciidan ee ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu geystay dhaawacyo soo gaarsay dad shacab ah, waxaana la ogyahay dhaawaca qof dumar ah oo Isgoyska ku iibineysay Qaad.

- Advertisement -

Ciidamada dowladda Fedaraalka ayaa Inta badan sidaan oo kale isugu rasaaseeya baraha kontaroolada ee ku yaala gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo khasaaraha ugu badan ee is rasaaseeyntooda ay waxyeelo ka soo gaarto dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept