Warar dheeraad ah oo kasoo baxay dagaal culus oo ka dhacay Tuulada Ceelgorof ee gobolka Galgaduud
Warar dheeraad ah oo kasoo baxay dagaal culus oo ka dhacay Tuulada Ceelgorof ee gobolka Galgaduud
Talaado, January, 31, 2023 (AX) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay Tuulada Ceelgorof oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga deegaanka Waxbo ee gobolka Galgaduud ku dhexmaray ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab.Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo la tilmaamay iney qorsheeyeen in weerar ku qaadaan deegaanka Goobo oo ka tirsan degmada Maxaas, hayeeshee ay ciidamada dib u xureynta deegaanka oo ka war helay qorshahaasi u dib mareen Al-shabaab Saldhigoodii Tuulada Ceelgorof, islamarkaana ciidankii Shabaab oo kuso fashilmay weerarkii ay doonayeen in ay ku qaadaan deegaanka Goobo oo dib ugu soo laabtay Tuulada Ceelgorof mar qura dagaal qabsaday.
- Advertisement -
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa waxay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo aysan ogeyn khasaraaha rasmiga ah ee ka dhashay
Ciidamada dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ayaa Xalay adeegsaday farsamo ku cusub xeeladaha dagaalka oo aan horay uga dhicin dagaalada ka dhaca gudaha dalka.
Ciidamada dib u xureynta deegaanka ayaa kooxda Al-shabaab horay uga saaray deegaanada iyo degmooyinka dhaca Bariga gobolka Hiiraan.
1/31/2023 12:53 AM EST
Talaado, January, 31, 2023 (AX) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadka dhaliila ee uu ugu horreeyo afhayeenka aqalka Congress-ka Mareykanka Kevin McCarthy uu isku dayayo in ay ka saaraan guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Congress-ka Mareykanka, sababtoo ah waa Muslimad qaxooti kanasoo jeeda Soomaaliya.