Wafti ka socda dowlada Maraykanka oo Hargaysa soo gaadhay

Khamiis, February, 23, 2023 (AX) – Wafdi ka socda Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya oo uu hogaaminayo Sii hayaha Xilka Safiirka Tim Trenkle, ayaa soo gaadhey magaalada Hargeysa.Wasiirka Arrimaha Dibadda Gobaladda Waqooyi D.R Ciise Kayd Maxamuud ayaa waftiga ku qaabilay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargaysa, waftiga ayaa la filaya in ay la kulmaan madaxweynaha Gobaladda Waqooyi.

Waxyaabaaha ugu muhiimsan la rajaynayo in waftiga iyo xukuumada Gobaladda Waqooyi ka wadahadaal ayaa ah xaalada Laascaanood oo wali cakiran isla markaana ay dagaalo ka socdaan muddo 2 todobbaad ka badan.

- Advertisement -

Dowlada Maraykanka ayaa dhowr jeer ku cel celisay in colaada si dhakhso ah loo joojiyo taasi oo aan wali suuragalin, sidookale Gobaladda Waqooyi ayaa dhankeeda ku dhawaaqday xabad joojin taasi oo aan hirgalin sababo jira awgood.

Waxyaabaha kale ee la filayo in Maraykanka iyo Gobaladda Waqooyi ka wadahadaal ayaa waxa kamid ah khalaafka ka tagaan qabsoomida doorashada madaxtooyada oo aan wali heshiis laga gaadhin.

Waxa kale, oo la saadaalinaya in waftigu uu la kulmo xisbiyada mucaaradka Gobaladda Waqooyi iyo daneeyayaasha kale ee arrimaha siyaasada Gobaladda Waqooyi.

Abdilahi Geel-maal, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept