Talaado, Nov 22, 2022-Dagaal dhexmaray Ciidamada Gobaladda Waqooyi iyo Puntland ee deegaanka Buuhoodle

Talaado, November, 22, 2022 (AX) – Dagaal sababay dhimashada 3 askari iyo ugu yaraan dhaawaca 8 kale, ayaa degmada Buuhoodle ku dhexmaray Ciidamada Gobaladda Waqooyi iyo Puntland.Taliyaha Guutada 135aad ee Ciidamada Gobaladda Waqooyi ee aaga Buuhoodle Gaashaanle Sare Cabdillaahi Dhagaweyne, oo waraysi gaar ah siiyay muuqbaahiyaha Sahan, ayaa sheegay in Ciidanka Puntland soo weeraray Ciidanka Gobaladda Waqooyi oo nabadgalyada sugaya.

“Ciidanka Puntland ayaa soo qaaday weerar oo laba garab ah, garab qaybta booliiska ah oo uu taliyihii qaybtu wato, qaybna waxay ahayd qaybta Daraawiishta, dagaal ayaa halka ku dhex maray, ciidankaas nabadgalyada sugayay iyo nimankaas” ayuu yiri Gaashaanle Dhagaweyne.

- Advertisement -

Gaashaanle Sare Dhagaweyne ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, isla markaana Ciidanka Gobaladda Waqooyi ay dagaalka ku qabsadeen baabuur dagaal.

“Dagaalkaasi khasaaro dhimasho iyo dhaawacba waa yeeshay, dhankooda intaanu ka warhayno 3 dhimasho ah iyo 7 dhaawac ah ayaa la sheegayaa, Gobaladda Waqooyi nin askari ah ayaa dhaawac ka ah, 3 gaadhi oo laba tikniko tahayna waa laga qabtay Puntland” ayuu yiri Gaashaanle Dhagaweyne.

Waxa uu sheegay in markii dagaalku dhacay ay Ciidamada Gobaladda Waqooyi ka shaqaynayeen sugida nabadgalyada Buuhoodle, oo shaqaaqo beeleed ka dhacday, isla markaana Ciidanka Puntland uu dhinaca kale ka joogay magaalada, kadibna Ciidamada Puntland ay soo weerareen Ciidanka Gobaladda Waqooyi xili ay sugayeen amaanka odayaal dhaqameed deegaanka soo gaadhay.

Ciidamada Gobaladda Waqooyi iyo Puntland ayaa muddo dheer ku wada sugnaa deegaanka degmada Buuhoodle, lakiin ma jiraan dagaalo lamid ah kuwa ka dhacay gobolka Sool oo Buuhoodle ku dhex maray labada ciidan.

Abdilahi Geel-maal, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy