Skip to content
Sunday, September 13, 2026 30 Rabi al-Awwal 1448 AH Fajr 04:41
Muqdisho 26°C
Breaking: Somalia’s lower house ends monthly $100 salary deduction for lawmakers
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

“Soomaalinimo ma diidanin balse waxa aan kasoo horjeednaa

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Muuse Biixi Cabdi Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi oo ka hadlay Munaasabad ka dhacday Magaalada Hargeysa ayaa sharaxaad ka bixiyay qorshaha siyaasadeed & wada-hadalka Dowladda Federaalka ay la yeesheen.

Waxa uu sheegay in aysan diidaneen Soomaalinimo, isla markaana ay qayb ka yihiin Soomaaliweyn, balse ay kasoo horjeedaan in lagu jujuubo (Af-qabto) marka laga hadlayo dhanka Siyaasadda.

- Advertisement -

Muuse Biixi ayaa sheegay in wax waliba oo dhaca in aysan meesha ka saareyn Soomaalinimada oo ah mid ka dhaxeysa Shanta qaybood, balse lagu kala duwan yahay dhacdooyinkii dhicay & sida looga falceliyay.

“Marka la yiraahdo dadka Gobaladda Waqooyi waxa ay diidan yihiin Soomaalinimo waa Xaashaa kallaah, Soomaalinimo waan ku faanaa, waan ka dhalanay, laf & dhiig ayaan ka nahay, waana jecel nahay in ay wax qabsato oo horumar gaarto, balse waxa xun ayaa ah in la dhaho waxa aad tihiin labo Gobol waana ku qasban tihiin in aad u hoggaansanaataan wax waliba” Sidaasi waxaa yiri Muuse Biixi Cabdi.

Waa uu sii hadlay Muuse Biixi Cabdi Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi waxa uuna sheegay in aysan qaban hadallada qaar ah ee Siyaasadeysan oo uu ku tilmaamay kuwo wax sii kala fogeynaya halkii laga raadin lahaa xalka wanaagsan.

Axadle.

How do you rate this story?

0 votes