Siyaasiyiinta kasoo jeeda Puntland oo war kulul kasoo saaray xaalada magaalada Laascaanood

Jimco, December, 30, 2022 (AX) – Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada maamulka Puntland, islamarkaana qaarkood xilal ka soo qabtay dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta war saxaafadeed ka soo saaray Xaalada mafaalada Laascaanood ee gobolka Sool.Siyaasiyiintan oo ka tacsiyadeeyay dadka ku dhintay rabashadaha ka socda magaalada Laascaanood ayaa ku eedeeyay maamulka Gobaladda Waqooyi inay xasuuq ka wadaan magaalada Laascaanood, iyagoona uga digay Gobaladda Waqooyi iney sii wadaan besgsiga iyo barakicinta dadka Shacabka ah.

Xubnahaan siyaasiyiinta ah ayaa sidoo kale ku dhaliilay maamulka Puntland inuu dhegaha ka fureysatay xaalada amni iyo mida Bani’aadanimo ee ka taagan dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay magaalada Laascaanood.

- Advertisement -

Siyaasiyiintaan ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda Fedaraalka iyo Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran inay ka baaqsadeen inay cambaareeyaan oo wax war ah ka soo saaraan xaalada Laascaanood, iyagoo ugu baaqay dowladda Soomaaliya iney waajib ku tahay ka warqabka sharafka iyo nabadgalyada qofka Soomaaliga ah oo ay ka mid yihiin dadka reer oo ay sheegeen iney dhibane u yihiin midnimada Soomaaliyeed.

Hoos ka akhriso War saxafadeedka Siyaasiyiinta soo saaree;

20221230638079915636334337

20221230638079915960848584

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy