Shirka golaha wadatashiga qaran oo lagasoo saaray war murtiyeed

Jimco, Maarso, 17, 2023 (AX) – War murtiyeed ayaa lagasoo saaray shirka golaha wadatashiga qaran ee Dowladda federalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.Golaha wadatashiga ayaa ku heshiiyay saddex qodob oo kala ah, in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah 2026, federalaynta maaliyadda dalka iyo qaab dhismeedka amniga dalka.

Puntland oo ka maqnayd shirkaan ayaa lagu heshiiyay in loo diro guddi ka kooban madaxweynayaasha, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, si ay Puntland doorkeeda. uga qaadato wada-hadalada dhameystirka dowlad dhiska dalka.

- Advertisement -

Halkan ka akhriso war murtiyeedka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept