Saraakiisha Burkina Faso ayaa sheegay in 28 qof toogasho lagu dilay

Saraakiisha Burkina Faso ayaa sheegay in 28 qof toogasho lagu dilay

Baaritaan ayaa lagu bilaabay dhimashada 28 qof oo meydadkooda laga helay Burkina Faso habeenkii kala wareega 30-kii iyo 31-kii December, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

28 mayd ayaa laga helay waqooyi-galbeed Burkina Faso dhammaadkii isbuucii hore, dowladdu ayaa sidaa sheegtay, iyadoo xustay in baaritaan uu socdo, Inkastoo la isla dhex-marayo warar aan la hubiin cidda mas’uulka ka ah.

- Advertisement -

“Dowladda waxaa lagu soo wargeliyay dhacdo ka dhacday Nouna… intii lagu jiray habeenkii kala wareega Diseembar 30-31,” ayaa lagu yiri bayaan dowladdu soo saartay galinkii dambe ee Isniintii. Waxa ay intaa ku dartay in baaritaan lagu bilaabay arrintan.

Ururka CISC ee afka qalad lagu yirahdo (Collective against Impunity and Stigmatization of Communities) ayaa sheegay in rabshadaha inay yihiin “aargoosi lala beegsanayo dadka rayidka ah” kuwaas oo ay fulinaayan rayidka hubaysan ee sheeganayaan inay yihiin xubno ka tirsan ciidan kaabayaal ah oo “si aan gambasho laheyn uu geysta bililiqo abaabulan iyo xad-gudubyo lala beegsanayo dadka rayidka ah”.

Weerarada lala beegsanayo ciidamada ammaanka iyo dadka rayidka ah ayaa kordhay bilihii la soo dhaafay, gaar ahaan gobollada waqooyi iyo bari ee xuduudka la leh Mali iyo Niger, kuwaas oo dagaal kula jira kooxo hubeysan.

Inkasta oo dahab badan uu kaydsan yahay, Burkina Faso – oo ay ku nool yihiin shacab lagu qiyaaso 21 milyan – Haddana waa mid ka mid ah waddamada ugu saboolsan adduunka.

Tan iyo sannadkii 2015-kii, dalka ku yaalla galbeedka Afrika waxa uu noqday xudunta kacdoonka rabshadaha wata ee ka soo fiday dalka ay dariska yihiin ee Mali tobankii sano ee la soo dhaafay. Kumanaan qof ayaa lagu dilay guud ahaan gobolka Saaxil iyadoo ku dhawaad ​​laba milyan oo qof la barakiciyay laguna qasbay inay ku noolaadaan xeryo ka sameysan cooshado .

Awood la’aanta dowladda ee ka hortagga weerarrada ayaa horseeday laba afgambi sanadkan iyadoo hoggaamiye kasta oo militari ah uu ballanqaadayo inuu mudnaanta koowaad siinayo ammaanka.

Si kastaba ha ahaatee, qeybo badan oo ka mid ah dhulkeeda ayaa waxaa go’doomiyey kooxo hubeysan oo weeraro soo noq-noqday ka geysta. Gobolada bari iyo saaxil ayaa kamid ah meelaha ay dhibaatada ugu badan ka dhacday, iyadoo magaalooyinka ay go’doomiyeen kooxaha mucaaradka ah oo dadka shacabka ah u diidaya isku socoodka shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy