Sabti, Nov 19, 2022-Xisbiga Kulmiye oo sheegay in mucaaradka Gobaladda Waqooyi anay lahayn xuquuq sharci

Sabti, November, 19, 2022 (AX) – Xisbiga talada Gobaladda Waqooyi haya ee Kulmiye, ayaa sheegay in xisbiyada mucaaradka ahi anay haysan sharciyada xukuumada, kadib markii ay iyagu kalsoonida kala noqdeen xukuumada.Xogeeyaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar, oo ka hadlay shirka guddida fulinta xisbiga oo uu madaxweyne Biixi shir-guddoominayay, ayaa sheegay in mucaaradku ay sharcigii ka leexdeen, maanta kadibna anay sharciyad ka haysan xukuumada.

“Xisbiga Kulmiye waxa uu hadalkii kasoo yeedhay xisbiyada mucaaradka ku tilmaamay miq qayrul-dastuuri ah oo qaran jabin ku ah qaranka, sidaa awgeedna anay qaranka ku lahayn xuquuq sharci” ayuu yidhii Madar.

- Advertisement -

Xisbiga ayaa sodokale madaxweynaha ku amaanay ilaalinta sharciga “Xisbiga Kulmiye waxa uu ku amaanay madaxweynaha Jamhuuriyada Gobaladda Waqooyi Mudane Muuse Biixi Cabdi, ahna guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, ilaalinta iyo dhowrista dastuurka iyo xeerarka ka dhambalma, waxayna madaxweynaha usoo jeediyeen in uu dulqaad muujiyo sidii uu awalba ku sifaysnaa” ayuu yiri Madar.

Waxa uu sheegay in dulqaadka madaxweynaha shardi looga dhigay in aanu noqon mid dhibaato u gaysanaya ama gaf ku noqon kara ilaalinta shuruucda Gobaladda Waqooyi.

Abdilahi Geel-maal, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy