Sabti, Nov 19, 2022-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Jubbaland oo Maanta xukun toogasho ah ku fulisay laba askari

11/19/2022

Today from Axadle:
 

- Advertisement -

Wararka Maanta- Sabti, Nov 19, 2022

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Jubbaland oo Maanta xukun toogasho ah ku fulisay laba askari

Sabti, November, 19, 2022 (AX) – Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee maamul goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo Sabti ah xukun dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo horay dilal kala duwan uga geystay gudaha magaalada Kismaayo.Labada nin ee dilka toogashada ah Maanta lagu fuliyay ayaa kala ahaa Wayrax Khaliif Yuusuf oo 25-kii November 2020-kii dil u geysatay Marxuumad Xaliimo Cali Roobow iyo Yuusuf Xuseen Cabdi oo isna horay u dilay Aksari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabi jirau Dable Cabdullaahi Cali Suuli 17-Nov-2021-kii, waxaana Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee maamulka Jubbaland xukunkaan dilka toogashada ah ku dhawaaqday 29-kii bishii lixaad ee sanadkaan 2022-ka.

Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Bashiir Maxamuud Xareed oo warbaahinta kula hadlay goobta toogashada Maanta ay ka dhacday ayaa sheegay in qof walba oo qof dila isna la dili doono.

Khamiistii lasoo dhaafay ayeey ahayd markii sidan oo kale xukun dil toogasho ah Maxkamada ciidamada Qalabka sida ay magaalada Kismaayo kula fuliyay labo Askari oo horay gudaha magaalada Kismaayo ugu dilay dad shacab ahaa, waxaana dilalka noocaan ah soo dhaweeyay dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Kismaayo oo tilmaamay hadii sidan oo kale qofkii qof dila loo toogto iney yaraan doonto in si bareer ah loo dilo qof shacab ah.


11/19/2022 5:23 AM EST

Sabti, November, 19, 2022 (AX) – Sarkaal sare oo horey uga tirsanaan jiray ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo lagu eedeeyay xad-gudubyo dhowr ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo loo geystay dad rayid ah oo Soomaaliyeed, sanadihii 1980-meeyadii, ayaa lagu xiray gobolka Virginia.

11/19/2022 2:55 AM EST

Sabti, November, 19, 2022 (AX) – Soomaaliya ayaa ku biirtay dalalka saxiixay sharciga caalamiga ah ee ka dhanka ah isticmaalka iyo adeegsiga walxaha qarxa ee meelaha ay dadku ku badan yihiin.

11/19/2022 12:51 AM EST

Sabti, November, 19, 2022 (AX) – Hogaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ugu amba-baxay qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy