Sababaha keenay in Sacuudigu ka aamuso qabsashada
Riyadh (Axadle) – Markii ururka Taliban uu la wareegay awoodda dalka Afghanistan, sanadkii 1996, dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Pakistan, waxay ahaayen saddexdii dal ee ugu horeyay ee aqoonsaday Taliban.
Ka dib markii dhawaan uu ururka Taliban la wareegay axadle dalka Afghanistan ee Kabul, wuxuu Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Imran Khan, sheegay “inay dhamaatay silsiladii adoonsiga”.
Dhanka kale, dalka Imaaraadka Carabta, ayaa magangalyo siiyay madaxweynaha Ashraf Ghani.
Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweynayaan madaxweyne Ghani iyo qoyskiisa, waliba qaab binu aadanimo.
Diblumaasiyiinta dowladda Sacuudiga ayaa iyaguna si bad qab ah ugu laabtay magaalada Riyaadh ee axadle wadankaas.
Sida ay sheegtay Wakaaladda wararka ee dalka Sacuudiga, xukuumadda Riyaadha ayaa qaadatay go’aankaan lagu saleeyay xaaladda aan cagaha badan ku taagneyn ee dalka Afghanistan. Sidaas oo ay tahayna Sacuudiga wuxuu iska indha tiray guud ahaan xaaladda isbedelka ka dhacay Afghanistan.
Toddobaad ka dib, oo xaaladda Afghanistan hadba waji horleh ay la soo baxayso, haddana Isniintii, wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Pakistan, Shah Mehmood Qureshi, wuxuu qadka telefoonka wadahadal kula yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga.
Labada wasiir ayaa ka wadahadlay xaaladda dalka Afghanistan, balse sida wararka ay sheegayaan islama aysan soo qaadin arrin la xiriirta Taliban.
Xaaladdan oo kale marka ay taagan tahay waxaa imaanaysa oo kugu soo degdegaysa, muxuu Sacuudiga oo sannadkii 1996, la safnaa Taliban, uu hadda uga gaabsaday?
Labada dal ee Sacuudiga iyo Imaaraadka waa dalal si weyn u muuqda marka laga hadlayo dalalka Suniyiinta ah ee caalamka. Sacuudigu wuxuu xiriir taarkhi ah la leeyahay dalalka Afghanistan iyo Pakistan.
Sacuudigu wuxuu xiriir la lahaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay ururka Taliban balse xiriirkaas habacsanaan ayaa ku yimid markii dalka Qadar ay ka bilowdeen wadahadalladii u dhaxeyay Mareykanka iyo Taliban sanakii 2018-kii.
Si kastaba ha ahaatee, khubarada ayaa rumeysan in daaha gadaashiisa uu Sacuudiga ka ciyaarayay doorkiisa wadahadallada.
Talmiz Axmed, wuxuu ahaa danjirihii dalka Hindiya u fadhiyay Sacuudiga wuxuuna yiri: “Xiriir wanaagsan ayaa ka dhaxeeyay Sacuudiga iyo Taliban, 25-kii sano ee la soo dhaafay, waana kan maanta badbaadiyay”.
Wuxuu sheegay in xiriirka ka dhaxeeya uu ku salaysanyahay Diinta.”Sacuudiga wuxuu mar walba u arkaa Taliban, dhaqdhaqaaq Islaami ah, oo ah arrinta uu ku taageero,” ayuu yiri Talmiz Axmed.
Sacuudiga ayaa tagi jiray Afghanistan, iyaguna way tagi jireen Sacuudiga oo xitaa Cumro ayay u aadi jireen, sida uu aaminsan yahay diblumaasigan.
Aqoonyahan AK Pasha, oo ka tirsan xaruunta daraasaadka galbeedka Asiya ee jaamacadda Jawaharlal Nehru, ayaa ku raacay Talmiz Axmed fikirkiisa aan kor ku soo xusnay ee la xiriira xiriirka Taliban iyo Sacuudiga ka dhaxeeya.
Waraysi ay BBC-du la yeelatay ayuu ku sheegay in marka laga eego dhanka Mareykanka ay aamusanaanta Sacuudiga ee arrinta Taliban ay muhiim tahay.
“Sannadkii 1979-kii, Midowga Soofiyeeti wuxuu galay dalka Afghanistan isaga oo halkaa ku diyaariyay ciidamadii Mujaahidiinta. Dowladaha Sacuudiga iyo Pakistan ayaa xiligaas Mareykanka ku taageeray diyaarimnta Ciidamadaas.
Sacuudi Carabiya waxay ku caawisay Mareykanka lacagtii tababarka. Usaama ayaa qayb ka ahaa ciidankaas oo ahaa dagaalyahanno Sunni ah, oo uu ku jiray bin Laden, oo markii dambe noqday madaxa Al-qaacida.
Markii dambe, ciidankii la tababaray waxay 1996 ilaa 2001 xukumayeen Afghanistan, waxayna adduunka ku faafiyeen fikirka argagixisanimada.
Khubarad waxay sheegayaan in Sacuudiga uusan doonaynin inuu ka hordhaco dhismaha Xukuumadaas. Sidaa darteed sheekada waxay u ekaanaysaa oraah inta badan Soomaalidu ay adeegsato oo ah bal aan sugno dhaankii maqnaa wuxuu soo dheelmo.
Xigsho: BBC iyo Reuters