Qaar ka mid ah Xildhibaanada Gobolada Waqooyi oo soo saaray

War saxaafadeed ay ku saxiixan yihiin illaa 47 Xildhibaan ka kala tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa waxay ku sheegeen in Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi “aanu ku matalin Xildhibaannada labada Gole hadalada iyo qoraalada uu ka soo saarayo, kuna duriyo dhismaha Guddiyada doorashada”.

Sidoo kale waxa ay bayaankooda ku caddeeyeen in dhismaha Guddiyada doorashada loo maray hab waafaqsan heshiiskii siyaasadeed ee ay gaareen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Dowlad-goboleedyada dalka.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ay soo saareen xildhibaanada ka soo jeeda gobolada Waqooyi;

Cabdi Xaashi Cabdullaahi Gudoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay waxa uu soo saaray warqado uu uga soo horjeedo guddiga doorashooyinka ay soo magacaawday xukumadda Soomaaliya gaar ahaan kuwa goboladda waqooyi ee dalka.

Sidoo kale midowga Musharixiinta Soomaaliya ayaa dhawaan bayaan ay soo saareen waxa ay ku dalbadaan in guddiga doorashada qaybta goboladda waqooyi loo ogolaado in uu soo magacaabo gudoomiya aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Xukumadda oo iska indha-tireysa dalabyada xoogan ee ka imaanaya maamulada qaarkood iyo murashaxiinta kuna aadan in doorasho heshiis lagu yahay dhacdo, Dowladda Soomaaliya ayaa gedaal ka riixeysa Xildhibaanadan duraya baaqyadda Cabdi Xaashi Cabdullaahi sida ay Axadle u sheegeen ilo xogkas ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More