Nin u dhashay dalka Burundi oo fuliyay weerarkii Shabaab ay ka geysteen Janaay Cabdalle
Axad, Maarso, 19, 2023 (AX) – Muwaadin u dhashay dalka Burundi ayaa si toos ah loola xiriiriyay weerarkii dhawaan Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Janna Cabdalle ee hoos yimaada magaalada Kismaayo.Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkii 7-dii bishan ka dhacay deegaanka Janaa Cabdalle, uu ka dambeeyay nin u dhashay dalka Burundi oo ka soo jeeda deegaanka Kibimba.
Weerar ismiidaamin ah iyo dagaal toos ah oo Alshabaab ay ku qaadeen deegaanka Jaanay Cabdalle, ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 5 askari iyo tiro kaloo rayid ah.
- Advertisement -
Ninka weerarka geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Dnayizeye Isxaaq Khaalid oo loo yaqaan “Showkaani” kaas oo ka soo jeeda qabiilka Hutu ee dalkaasi.
Dnayizeeye waxa uu Soomaaliya yimid 7 sano ka hor. Al-Shabaab ayaa sheegtay in uu xiriirinayey dhaqdhaqaaqa kooxda ee guud ahaan dalka iyo xuduudaha marka loo eego waayo-aragnimadiisa” maaraynta walxaha qarxa.
Muwaadiniin u dhashay Kenya iyo Tanzania oo katirsan Alshabaab ayaa horey u fuliyay weerar lagu bartilmaameedsaday saldhigga ciidamada badda ee Manda Airbase ee Kenya, kaas oo sababay dhimashada ugu yaraan 3 qof oo Mareykan ah.