Mid kamid ah masuuliyiinta xisbiga WADDANI oo Laascaanood lagu dilay

Isniin, December, 26, 2022 (AX) – Mid kamid ah saraakiisha xisbiga mucaaradka Gobaladda Waqooyi ee WADDANI, ayay dablay hubaysani caawa fiidkii ku dishay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi Hadraawi, ayaa sida warbaahinta gobolku ku warramayso caawa fiidkii dablay hubaysani khaarajisay, xili uu kasoo baxay masaajid uu bulshada kula gudanayay waajibaadka salaada cishaa’i.

Musharaxa Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, tacsi ugu diray qoyska, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxay marxuun Hadraawi.

- Advertisement -

“Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada, waayeelka, waxgaradka, bulshada Gobolka Sool iyo Shacabka uu ka baxayba ALLE ha u naxariistee marxuum Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi-Hadraawi oo goor dhaweyd fiidkii magaaada Laasacaanod gacan ka xaqdaran oo hubeysani ay ku dishay” ayuu yiri Cirro.

Cirro ayaa sheegay in Hadraawi  uu ka mid ahaa mas’uuliyiinta xisbiga WADDANI, isla markaana uu ku jiray liiska kuraasta keydka ee Golaha Wakiilada Gobaladda Waqooyi.

Cirro ayaa xukuumada Gobaladda Waqooyi ugu baaqay in ay si deg deg ah usoo qabato, oo ay cadaalada u hor keento, dablayda Hadraawi dilka u gaysatay.

Xukuumada Gobaladda Waqooyi ayaan wali ku guulaysan in ay cidhib tirto budhcada dilalka ka gaysta magaalada Laascaanood, dilkan ayaa dhacay xili dhawaan ciidamada booliiska ee gobolku ay gacanta ku dhigeen koox lagu eedeeyay in ay dilalka lug ku lahaayeen.

Abdilahi Geel-maal, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy