Maxaa ka jira in Militariga Mareykanka uu iibsaday Muslim

Militariga Mareykanka ayaa la ogaaday in uu iibsaday App la degsaday ku dhawaad 100 Milyan oo jeer, waxaana isticmaalkiisa u badan dadka muslimiinta ah ee kala jooga guud ahaan caalamka.

Xog baaris la sameeyay waxaa lagu ogaaday in Isniintii todobaadkaan la kashifay sirka ka dambeysa in Mareykanka uu iibsaday App-kaan, sababta ka dambeysay iyo waxa uu qabto ee sababta u ah in Xukuumadda Washington faraha la gasho.

Wargeyska Motherboard ayaa sheegay in uu wareystay dad kala duwan, kadibna uu ku dhaqaaqay xog baarista la xiriirta in uu ka daba-tago Sheekadaan uu gacanta ku dhigay bilawgeeda si uu uga sal-gaaro.

App-kaan waa Jiheeye, waxa uu sheegaa xiliga salaadda, waxaa laga dhageystaa Qur’aanka Kariimka iyo culuumta kale ee Islaamka waxaana lagu magacaabaa Muslim Pro, rukunka ku xiran waa 98-Milyan guud ahaan Caalamka.

Sababta & sirta ka dambeysa in Mareykanka uu faraha la galo App-ka Muslim Pro waa in uu kala socdo dhaq-dhaqaaqa dadka u xiran, Xukuumadda Washington ayaa u aragta in waji cusub oo ah la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada in ay ka dhex aragtay.

Militariga Mareykanka wuu qirtay in uu App-kaan iibsaday sida ku xusan xogta sheekadaan laga sameeyay, Taliyaha Ciidanka Badda Tim Hawkins sheegay in ay ku qasbanaadeen xoojinta helista xogtooda.

“Helitaanka barnaamijkaan waa in lagu taageero howlgalka Ciidamada Xoogga ee dibada, Waxaan si adag ugu hogaansamaynaa hanaan iyo siyaasado la dejiyay oo lagu ilaalinayo dhowridda sharci, xorriyadda Shacabka, Dastuurka, Xuquuqda sharciga ah ee Muwaadiniinta Ameerikaanka ah” Sidaasi waxaa yiri Taliyaha Ciidanka Badda Mareykanka Tim Hawkins.

Maxay ku jawaabtay Shirkadda Muslim pro?

Marka aad gashid bogga Shirkadda waxaa kuusoo baxaya fariin ay ugu talagashay macaamiisheeda, waxaana kuusoo baxaya:

“Warbixinnada warbaahinta ay tebisay ee ah in Muslim Pro uu xogta shaqsiga ka iibiyay Militariga Mareykanka waa waxba kama jiraan, Muslim Pro waxaa ka go’an ilaalinta isticmaalayaasha” Sidaasi waxaa lagu yiri Bogga Muslim Pro.

Isha:  Aljazeera  / Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More