Masar & Soomaaliya oo kawada xaajoonaya Xiriirka, Iskaashiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Carabta Masar Saamix Shukri ayaa si hordhac ah u faah-faahiyay kulan maanta oo Sabti ah uu la qaadanayo Wasiiru Dowladaha Madaxtooyada Soomaaliya Xasan Macalin Khaliif.

Kulankaan ayaa yimid kadib markii maalmihii lasoo dhaafay la sheegay in Xukuumadda Qaahira ay damacsan tahay in Turkiga ay ku colaadiso Soomaaliya iyada oo kaashaneyna Suudaan & Israel.

Saamix Shukri ayaa sheegay in Dowladdiisu ay ka go’an tahay xoojinta Xiriirka waqtiga fog kala dhaxeeya Soomaaliya, iskaashiga & gacansiinta Dowladda Federaalka oo u baahan in lagu garab istaago Xaaladaha ay wajaheyso.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Carabta Masar ayaa ka qaybgalay Fadhiga 31-aad ee gaar ah Golaha guud ee Qaramada Midoobay oo looga hadlay Xaaladda cudurka Safmarka ah ee Covid-19.

Masar oo dhacda Waqooyiga Afrika waxaa xun xiriirka kala dhaxeeya Itoobiya & Turkiga oo saaxiibo dhaw la ah Soomaaliya, waana tan keentay in ay degto qorshe siyaasadeed ay dib boorka uga jafeyso cilaaqaadkeeda Soomaaliya.

Xukuumadda Qaahira ayaa sameysay dhoola-tus siyaasadeed kadib markii Hogaamiye Cabdifitaax Al-Siisii uu la kulmay Hogaamiyaha Qubrus & Raysul Wasaaraha Giriigga oo aan xiriir wanaagsan kala dhaxeyn Turkiga.

Haddaba, Sidee ayay Dowladda Soomaaliya ula dhaqmi doontaa Masar, xili xiriir wanaagsan ay la leedahay Itoobiya & Turkiga oo aysan is jecleen Xukuumadda Qaahira?

Maxaa ka jira in Masar isbahaysi la samaynayso Sudan & Israel si looga hortago saameynta Turkiga ee Soomaaliya?

Giriiga iyo Masar oo Biden la kaashanaya talaabo ka dhan ah Turkiga!

Hogaamiyayaasha Qubrus, Masar & Giriigga oo Turkiga ku colaadinaya waddamo Soomaaliya ku jirto!

isha: Akhbaar-Alyom / Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More