Maraykanka iyo Gobaladda Waqooyi oo yeelanaya iskaashi difaac oo toos ah

Sabti, December, 24, 2022 (AX) – Gobaladda Waqooyi iyo Maraykanka ayaa yeelanaya iskaashi difaac oo toos ah, kadib markii uu madaxweyne Biden qalinka ku duugay Xeerka Oggolaanshaha Difaaca Qaranka Maraykanka ee loo soo gaabiyo NDAA.Xeerkan oo uu hore cod gacan taag ah ugu ansixiyay Koongaraska Maraykanku, ayaa faraya in Gobaladda Waqooyi iyo Maraykanku ay yeeshaan iskaashi difaac oo toos ah.

Kaaliyihii hore ee xogeeyaha arrimaha dibbada Maraykanka u qaabilsanaa arrimaha Afrika Tibor Nagy, ayaa ansixinta xeerkan ku tilmaamay in dowlada Maraykanku ay ogaatay in Gobaladda Waqooyi ay tahay saxiib qiimo leh, oo awoodi kara in uu la shaqeeyo Maraykanka.

- Advertisement -

“Hogaamiye Biden waxa uu saxeexay Xeerka Oggolaanshaha Difaaca Qaranka ee NDAA, kaasi oo ogolaanaya in Gobaladda Waqooyi ay ka qaybqaadato barnaamijyada millateriga Maraykanka, dowlada Maraykanku ugu danbayntii xaqiiqda ayay ogaatay, ‘Waddanka yar ee awooda’, waa saaxiib qiimo leh” ayuu yiri Nagy.

Safarkii uu Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminaya ku tageen Maraykanka bishii March, ayaa waji cusub u yeelay xidhiidhka Gobaladda Waqooyi iyo Maraykanka, isagoo madaxweyne Biixi intii uu halkaa joogay uu Maraykanka ka dhaadhiciyay in Gobaladda Waqooyi noqon karto saaxiib laysku halayn karo.

Sidookale, Gobaladda Waqooyi ayaa sannadkii 2020 xidhiidh dibulumaasiyadeed la samaysatay jasiirada Taiwan, xidhiidhkaasi oo soo jiitay dowlada Maraykanka oo iyadu saaxiib dhow la ah jasiiradan.

Hadaba, wixii ka danbeeyay safarkii madaxweynaha, xildhibaannada Koongaraska Maraykanka gaar ahaan guddida arrimaha dibadda ayaa dadaal u galay in laga dhabeeyo xidhiidh wadashaqayneed, saaxiibtinimo iyo siyaasadeed oo dhexmara Gobaladda Waqooyi iyo Maraykanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept

Privacy & Cookies Policy